News One

Hay’adda Save Your Daughter oo ka Qayb Gashay Shirka Ololaha Ansixinta Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha (FGM Zero Tolerance Bill)

Garowe: 22 October 2025: Hay’adda Save Your Daughter Initiative ayaa ka qayb gashay shirkii Ololaha Ansixinta Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha (FGM Zero Tolerance Bill) oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladda Puntland

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta iyo taageerada ansixinta xeerka ka dhanka ah gudniinka, si loo ilaaliyo xuquuqda iyo badbaadada gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland.

SYDI waxay soo dhoweyneysaa dadaallada Wasaaradda iyo bahda u ololeynta joojinta gudniinka, iyadoo mar kale ku celisay ballanqaadkeeda ku aaddan ka shaqeynta ciribtirka dhaqankaas waxyeellada leh iyo kor u qaadidda caafimaadka.

-DHAMMAAD-