News Two

Garowe: 23 October 2025: Save Your Daughter Initiative ayaa qabatay dood wacyigelineed ku aaddan xuska wacyigelinta cudurka kansarka naasaha- Pink October oo ay soo qaban-qaabiyeen Gole Tv

Barnaamijka oo ay kasoo qeyb-galeen ardayda jaamacadaha iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka ayaa lagu lafa-guray muhiimadda sameynta baaritaanka hore, ogaanshaha cudurka marxaladdiisa bilowga ah iyo doorka bulshada ee taageerada haweenka la tacaalaya kansarka.

Intii uu socday kulanka waxaa la is way-daarsadey su’aalo iyo dood furan, taas oo kor u qaaday fahamka iyo wacyiga bulshada ku aaddan cudurkan halista ah.

-DHAMMAAD-