Garowe: 24 November 2025: Hay’adda Save Your Daughter Initiative ayaa qabatay kulankeeda koowaad ee Xal Forum, oo noqon doona dood-cilmiyeed bille ah ayaa caawa lagu falanqeeyay sababaha kufsiga soo badanaya iyo sida looga hortagi karo.
Kulankan muhiimka ah oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin heer sare ah, khubaro, ururrada bulshada rayidka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa lagu lafaguray arrimaha ugu badan ee horseeda tacaddiyada, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay aragtiyo cilmiyeed iyo talooyin wax-ku-ool ah.
Doodaha iyo wada-tashiyada ka dhacay madasha ayaa horseeday qodobo miro-dhal ah, kuwaas oo diiradda saaraya xoojinta wacyigelinta, kor u qaadista barnaamijyada ka hortagga, iyo abuurista hannaan mideeya hay’adaha amniga, bulshada iyo hay’adaha u dooda xuquuqda haweenka iyo carruurta.
Xal Forum waxa uu noqon doonaa madal joogto ah oo loogu xoojinayo in lagu abuuro xalal waara oo lagu yareeyo laguna cirib-tiro tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.
-DHAMMAAD-

